Full-Stack Web Developer Roadmap in 2022
Waa maxay full-stack developer?
Waxay kula muuqataa in full-stack developer ay tahay wax adag, qaasatan marka aad tahay qof ku cusub dhank web developmenet ga.
Dadka qaarkood ayay la tahay in ay bartaan dhamaan (languages, frameworks, library & database) wax walba ay ku noqon lahaayeen full-stack developer muddo kooban.
Qaabka ugu fudud ee ku noqon karto waa inaad raacdaa wax loo yaqaano roadmap oo aan kaga hadli doono qoraalkaan.
Hadafkaagu waa inuu ahaadaa inaad barato xirfadaha aasaasig si aad u bilawdo tijaabinta iyo kobcinta xirfadahaaga aad baratay. Markaad barato aasaaska, waxaad horay u sii baran kartaa xirfad walba ee looga baahan yahay inaad noqotid full-stack developer. Raac waddo habaysan intii aad isku dayi lahayd inaad barato dhammaan noocyada web development ga.
Things to learn
Had iyo jeer way wanaagsan tahay in la sameeyo khariidad waddo ah oo ku saabsan waxa ay tahay inaad barato si aad u bilowdo adigoo iska ilaalinaya jahawareer ama waqti lumis. Qaar ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah u baahan tahay inaad noqotod full-stack developer waa sida soo socota.
- Choosing a Tech Stack
- Backend
- Frontend
- Database
- Version Control
Kuwa ugu caansan Tech Stack
Qolo waliba waxa ay raacdaa tech stack gaar ah, doorashada tech stack waxay ku xiran tahay hadafka uu qofka ka leeyahay iyo performance ga oo uu application ka u baahan yahay ama shirkada.
- MERN Stack
- MongoDB (oo database ah)
- Express (oo backend ah)
- React (oo frontend ah)
- Node.js (oo server-side javascript runtime ah)
Backend
Backend waa koodka ku shaqeeya server-ka, hela codsiyada ka imaanaya clients ka, oo ka kooban logics ah in xogta ku habboon dib loogu celiyo clients ka.
Noocyadan web development ga ahi waxay badanaa ka kooban tahay saddex qaybood:
- A server
- An application
- A database.
Backend Framework waxaa ka mid ah
- Express
- Django
- Ruby on Rails
Frontend
Frontend waa qaybta website ka ee users ka ay arkaan.
Technolgy yada loo baahan yahay ee frontend development ga waa:
- HTML5
- CSS3
- Javascript (ES6)
Qaar kamid ah javascript frameworks ee u baaheesid
- AngularJS
- ReactJS
- VueJS
CSS frameworks ka aad u baahan dootid waa
- Bootstrap
- Bulma
- Tailwind CSS
Databases
Si aad xog u keedisid ama ula soo baxdid waxaad u baahan tahay database
Waxaa jirto labo (2) nooc database ah
- relational (SQL)
- non-relational (NoSQL)
Qaar kamid ah databases ka
SQL
- MySQL
- SQLite
- Postgres
NoSQL
- MongoDB
- Cassandra
- Apache storm
- Sphinx
Version Control
Midka ugu caansan dhanka verson controls ka
- Git